Hugo Lloris Oo Man United U Sheegay Go’aanka Ku Aadan Mustaqbalkiisa Kadib Markii Ay Red Devils Xiiso U Muujisay Saxiixiisa.

Goolhayaha Kooxda Tottenham ee Hugo Lloris ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday kooxda Man United Una sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Tottenham xilli ciyaareedka dame.

Goolhayaha reer France ayaa galaya sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Tottenham waxana uu dhawaan xiiso ka helay kooxda Man United.

Laakiin Hugo Lloris ayaa u sheegay Red Devils in ayna wakhtigooda iska lumin maadama uu doonayo in uu sii joogo kooxda Tottenham ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in uu Hugo Lloris ku faraxsanyahay kooxda Tottenham waliba uuna meelna uga socon xagaaga dhamadka xilli ciyaareedkan.

Llores oo 34 jir ah ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu dhamaysto heshiiskiisa kooxda Tottenham ka hor inta uuna qaab xor ah uga tagin kooxda marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxdu.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE