Man United Oo Wadahadalo Kula Jirta Xiddig U Ciyaara Barcelona.

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta wakiilka xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele si ay u helaan saxiixa xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa seegtay saxiixa xiddiga 23 jirka xagaagii hore kadib markii ay Barcelona diiday in uu xiddigu ka tago kooxda iyaga oo ka baxay wadahalada saacadhii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Man United ayaa la rumaysanyahay in ay qaab amaah ah ku doonaysay saxiixa xiddiga Ousmane Dembele xilli ay Barcelona doonaysay in ay si toos ah u iibiso xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona tan ilaa markii uu heshiisku bur-buray kula jirtay wadahadalo wakiilka xiddiga haatana diyaar u tahay in ay wadahadalo a furto kooxda Barcelona.

Xiddiga Ousmane Dembele ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ka baxay dhaawacyadii badnaa haatana si joogto ah ugu ciyaara kooxda Barcelona waliba dhaliyay goolal badan oo muhiim Ah.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE