Mohamed Salah Oo Isku Qoray Taariikhda Xulka Qarankiisa.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa isku qoray taariikhda xulka qarankiisa kadib laba gool oo uu ka daliyay kulanka uu xulka qarankiisa kulankii is reeb-reebka koobka qaarada Africa.

Xulka Egypt ayaa guul 4/0 ah ka gaadhay xulka Comoros kulankii ugu dambeeyay ee Is reeb-reebka Koobka Africa iyada oo uu Mohamed Salah 2 ka mid ah goolasha u dhaliyay xulka qarankiisa.

Kadib laabdaas gool xiddiga Mohamed Salah ayaa isku qoray taariikhda xulka qarankiisa Egypt isaga oo noqday xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Egypt.

Xiddiga weerarka uga ciyaara xulka Egypt iyo Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay 45 gool oo xulka qarankiisa isaga oo ah xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa kaliya ka dambeeya Halyeeyga reer Egypt ee Hossam Hassan kaas oo xulka qarankiisa u dhaliyay 69 gool ahna xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulka.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE