RASMI: Man City Oo Xaqiijisay In Uu Sergio Aguero Isaga Tagi Doono Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga Sergio Aguero isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib 10 sano oo uu jooay kooxda.

Xiddiga ugu weyn taariikhda Man City ayaa dhaliyay 257 gool tartamda oo dhan tan ilaa markii uu Man City kaga soo biiray Atletico Madrid.

Aguero ayaa maanta wadahadalo la qaatay maamulka kooxda una sheegay in uu isaga tagi doono kooxda marka uu dhamaado heshiiskiisu kooxda ayaana xaqiijisay in uu xiddigu ka tagi doono kooxda.

Maxa kooxda Man City ayaa xaqiijiyay in Sergio Aguero taalo looga dhisi doono garona Etihad Staduim si loogu xuso guulaha uu xiddigu la gaashay kooxda Man City.

Aguero oo 32 jir ah ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday dhaawacyo isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda Man City waxana uu haatan go’aamin doonaa kooxda uu ku biiri doono xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE