Kooxda Man United ayaa soo qaadan doonta suuq mashquul ah xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo xiddigo badan lala xidhiidhinayo koxda haatanba ka hor furitaanka suuqa.
Xiddiga Man City ee Sergio Aguero ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee lala xidhiidhiyay kooxda Man United alka sidoo kale lala xidhiidhinayo Goolhayaha Tottenham ee Hugo Llores iyo waliba daafaca kooxda Villarreal ee Pau Torres.
Wargayska The Sun ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe hadii ay Hesho xiddigaha 3-da ah ee ilaa haatan lala xidhiidhinayo.
Xiddiga Sergio Aguro ayaa weerarka ka badali doona Cavani halka uu Torees daafaca ka badali doono xiddiga Lindelof kaas oo ku dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.
Ugu dambayn Llores ayaa goolka ka badali doona De Gea kaas oo dhankiisa dhaleecayn xoogan kala kulmay dhanka qaab ciyaareedka sanadihii ugu dambeeyay.
Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.
Source: laacibfm.com