Xiddig Muhiim Ah Oo Real Madrid Dhaawac Uga Maqnaan Doona Kulanka Liverpool.

Kooxda Real Madrid ayaa war xun ka heshay xaalada xiddiga daafaca Midig ee Dani Carvajal ka hor kulanka adag ee ay champions League la ciyaari doonaan Liverpool kadib fasaxa xulalka.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in dhaawaca xiddiga reer Spain yahay mid xun waliba uu seegi doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Liverpool champions League kadib fasaxa xlalka.

Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta Liverpool 6 bisha dambe ee April kulanka lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions league kulan si weyn loo sugayo.

Xiddiga Dani Carvajal ayaa ku dhibaatoonaya dhaawac sabab u noqday in uu seego kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa waxana la sheegayaa in uu haatan seegi doono kulanka lugta 1-aad ee champions league.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE