Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Timo Werner

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax rabitaan ah u hayn in ay Timo Werner iska iibiso suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.

Xiddigii hore ee kooxda RB Leipzig ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado kubada England tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii hore waxana uu dhaliyay kaliya 5 gool 29 kulan oo premier League.

Xilii kooxda lala xidhiidhinayo saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland waxa soo baxay warar sheegaya in ay chelsea diyaar u tahay in ay Timo Werner ku darto heshiiska ay ku doonayso Haaland.

Laakiin wargayska The Telegraph oo xidhiidh la sameeyay ilo wareedyo ku dhaw ayaa sheegaya in ayna kooxda chelsea diyaar u ahayn in ay iska iibiso xiddiga waliba xiddigu ka mid yahay qorshaha kooxda ee mustaqbalka.

Si kasta ha ahaatee hadii ay Dortmund ku adkaysato in ay Werner doonayso si ay ugu ogolaato Haaland chelsea ayaa u furan fikirkaas isku badalashada ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.


Source: laacibfm.com

SHARE