DEG-DEG: Saxiixii Ugu Horeeyay Ee Liverpool Oo Ku Baasay Tijaabada Caafimaadka Liverpool.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ibrahima Konaté ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska RMC Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga Ibrahima Konaté tijaabada caafimaadka ugu maray Liverpool magaalada Paris ee caasimada dalka France.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa sheegayain ay wali jiraan waxyaabo aan laga dhamaystirin heshiiska iyada oo uu xiddiga 21 jirka ah haysto dookhyo iyo kooxo kale oo xiiso u qabo saxiixiisa.

Xiddiga Ibrahima Konaté ayaa kooxda RB Leipzig kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 waxana heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 41 milayn oo euro.

Warkan ayaa imanaya saacado kadib markii kooxda RB Leipzig beenisay wararka sheegaya in ay liverpool ku dhawdahay saxiixa xiddiga reer France ee Ibrahima Konaté.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.


Source: laacibfm.com

SHARE