FIFA VIRUS: Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xiddig Uga Maqnaa Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay fasaxa xulalka iyada oo uu ka dhaawacmay xiddig muhiim u ah Gunners xilli uu gudanayay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee Emile Smith Rowe ayaa ku dhaawacmay tababarka xulka qaranka England ee 21 jirada ee ka qayb galay tartanka Euro-da ee 21 jirada ee socda.

Tababaraha xulka qaranka England ee xulka 21 jirada ayaa xaqiijiyay in uu Emile Smith Rowe ku dhaawacmay tababarka haatana shaki ku jiro in uu sii wato waajibaadka xulka qarankiisa kulanka Ukrain ee Arbacada.

Tababaraha xulka 21 jirada ee England oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa jira dhawr xiddig oo uu shaki ku jiro taam ahaanshohooda kadib markii ay ku dhaawacmeen taabrka waxana ka mid ah Emile Smith Rowe”.

Arsenal ayaa haatan ka wal-walaysa taam ahaanshaha xiddiga ka hor kulanka ay Liverpool la ciyaari doonaan Axada kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.


Source: laacibfm.com

SHARE