Liverpool Oo Hogaaminaysa Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Kalidou Koulibaly

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaaminayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly sid ay sheegayaan wararka ka imanay dalka Italy.

Xiddiga reer Senegal ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican daafaca adduunka sanadihii ugu dambeeyay laakiin waxa uu ku fashilmay in uu isaga tago kooxda Napoli.

Laakiin iyada oo heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe suuqa xagaaga ayaa ah fursadii ugu dambaysay ee ay Napoli laca fiican ugu heli lahayd xiddiga halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp taageere weyn u yanay daafaca Koulibaly iyada oo kooxda Liverpool haatanba wadahadalo la qaadatay kooxda Napoli.

Madaxweynaha Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa ogsoon in ay tahay in uu iska iibiso xiddiga xagaaga hadii uu donayo in uu lacag fiican ku helo marka loo eego in ay Napoli seegi doonto champions league xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.


Source: laacibfm.com

SHARE