Pierre-Emerick Aubameyang Oo Taageeryaaasha Arsenal U Sameeyay Balanqaad Ku Aadan Martin Odegaard

Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa taageerayaasha Arsenal u balan qaaday in uu xiddiga Martin Odegaard ku qancin doono in uu si toos ah ugu biiro kooxda Arsenal kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda tan ilaa markii uu Amaahda ugu soo biiray suuqii January.

Xiddiga reer Norway ayaa Arsenal ugu soo biiray qaab amaah ah suuqii January isaga oo kaga soo biiray kooxda Real Madrid waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Joogista Odegaard ee Arsenal ayaa dhici doonta dhamaaadka xilli ciyaareedkan maadama uuna heshiiska ku jirin dookh ay kooxdu qaab toos ah ula wareegi karto xiddiga.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa la filayaa in uu ku laabto Real Madrid xaaaga markaas oo la go’aamin doono mustaqbalkiisa suuqa xagaaga hadii ay Labada kooxood ka heshiiyaan.

Sida taageerayaasha Arsenal xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa rajaynaya in uu xiddiga Martin Odegaard si toos ah ugu wareego kooxda Arsenal siina joogo kooxda.

Taagere Arsenal ayaa Pierre-Emerick Aubameyang waydiiyay su’aal ah” Martin Odegaard maku qancin kartaa in uu si toos ah ugu wareego kooxda”.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaana ugu jawaabay”Dabcan haa, waan ku qancin doonaa”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.


Source: laacibfm.com

SHARE