Portugal Vs Luxembourg & Kulamada Is Reeb-Reebka Adduunka Ee Maanta La Ciyaari Doono.

Waxa sii socon doona caawa kulamada is reeb-reebka koobka adduunka qaarada yurub iyada oo xulalka kala duwan ciyaari doonaan kulankii 3-aad ee is reeb-reebka koobka adduunka sanadka 2022.

Xulka Portugal ayaa marti u noqon doona xulka Luxembourg iyaga o isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha Kadib bar-barihii ay galeen kulankii hore waxana ay soo gali doontaa ciyaartu 9:45 wakhtiga Somaliya.

Xulka Netherlands ayaa dhankiisa marti u noqon doona xulka Giblraltra kulan sidoo kale soo dhici doona 9:45 wakhtiga Somaliya xilli uu xulka Netherlands isha ku hayo guul muhiim ah.

Dhanka kale xuulka Turkey ayaa marti galin doona xulka Latvia waxana uu doonayaa in uu sii wado qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah waliba gaadho guul kale oo muhiim ah waxana uu ciyaari doonaa 9:45.

Kulamada waaweyn xulka Belguim ayaa matri galin doona xulka Belarus kulan saaxiibada Eden Hazard doonayaan in ay guul ka gaadhaan kulanka 3-aad kadib bar-barihii kulankii hore.


Source: laacibfm.com

SHARE