RB Leipzig Oo Ka Hashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Liverpool Ku Dhawdahay Saxiixa Ibrahima Konate

Agaasimaha isboortiga RB Leipzig Markus Krosche ayaa beeniyay in kooxdu ay ku dhowdahay inay xagaagan ka iibiso Liverpool daafaceeda Ibrahima Konate.

Daafaca dhexe ee reer France ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Jurgen Klopp kuwaas oo doonaya in ay xoojiyaan daafacooda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska The Athletic ayaa Isniintii qarxiyay in ay Liverpool wadahadalo horumar leh kula jirto si ay ula saxiixato daafaca dhexe ee Konate laakiin kooxda RB Leipzig ayaa biyo qabaw ku shubtay warkaas.

“Waxba kama odhan karo mawduuca, waxan u malaynayaa in ayna arintu ahayn dookha Ibu, waxa uu kooxda kula jiraa heshiis wakhti fog ah waxana uu ogyahay in ay kooxdu jeceshahay”ayuu Krosche u sheegay Stats Perform News.

“Sanadkii hore waxa uu noqday mid nasiib xun waxana uu ku maqnaa dhaawac muddo dheer laakiin waa xiddig fician waxana uu muhiim u yahay kooxdeena”.

“Waxa aan doonaynaa in aan horumarino waxana uu ka mid yahay kooxdeena fiican sidaas darteed ma arko sabab uu u tagayo”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE