Shaxda Laga Yaabo In Uu Xulka Portugal Caawa Kaga Hor Yimaado Luxembourg

Xulka Portugal ayaa marti galin doona xulka Luxembourg kulankoodii 3-aad ee is reeb-reebka koobka adduunka ee qaarada yurub waxana ay ku qasbanyihiin in ay guul ka gaadhaan kulanka.

Portugal oo bar-baro galay kulankoodii 2-aad ayaa kulanka soo galay iyaga oo uu ka maqnaan doono xiddiga Burno Fernandes kaas oo ganaax ku seegi doona kulanka Luxembourg.

Cristiano Ronaldo ayaa kulankan so gali doona isaga oo wali raadinaya goolkiisii ugu horeeyay ee is reeb-eebka koobka adduunka maadama uuna labadii kulan ee hore wax gool ah dhalin.

Xiddiga Liverpool ee Diogo Jota oo wacdaro u dhigaya xulka qarankiisa ayaa la filayaa in uu weerarka xulkiisa la hogaamiyo xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Joao Felix.

Shaxda macquulka ah ee uu xulka Portugal ku soo gali karo kulanka caawa:

Lopes; Cedric, Duarte, Dias, Mendes; Pereira, Sanches, Neves; Jota, Ronaldo, Felix.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.


Source: laacibfm.com

SHARE