England Vs Poland & Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka Ee Caawa La Ciyaari Doono

Waxa caawa la ciyaari doonaa kulamadii ugu dambeeyay ee xulalka iyada oo xulal badan ciyaari doonaan kulankoodii 3-aad ahna kulankoodii ugu dambeeyay ka hor inta aan lagu laaban dib u bilaabashada ciyaaraha kooxaha kala duwan.

Xulka Geramany ayaa marti galin doona xulka North Macedonia isaga oo isha ku haya in uu gaadho guushii 3-aad oo xidhiidh ah is reeb-reebka talaabo muhiim ahna u qaado u soo bixista koobka adduunka kulan soo dhici doona 9:45 fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Xulka France ee difaacanaya koobka adduunka ayaa kulan adag marti u noqon doona xulka Bosnia kulan soo dhici doona 9:45 fiidnimo halka xulka Spain marti galin doono xulka Kosovo isla wakhtigaas.

Kulanka ugu xiisaha badan ayaa ah kulanka dhexmari doona xulalka England iyo Poland kulan labada xulba isha ku hayaa guul waxana ay ciyartu soo gali doontaa 9:45 halka xulka Italy marti u noqon doono xulka Lithuania.


Source: laacibfm.com

SHARE