Kooxda Uu Paul Pogba Doonayo In Uu Ku Biiro Hadii Uu Ka Tago Man United Oo La Ogaaday.

Shabakada Sky Sport Italia ayaa sheegaysa in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba doonayo in uu ku laabto kooxda Juventus suuqa xagaaga hadii uu isaga tago kooxda Man United.

Xiddiga khadka dhexe ayaa Man United kula jira heshiis dhici doona xagaaga 2022 Juventus ayaana xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Paul Pogba ayaan ilaa haatan heshiis cusub u saxiixin kooxda Man United waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu Pogba wali la xidhiidho xiddigaha ay isku kooxda Juventus isaga oo waliba la xidhiidha tababare Andrea Pirlo oo haatan tababare u ah kooxda Juventus.

Pogba iyo Pirlo ayaa iska soo garab ciyaaray intii uu xiddiga reer France joogay kooxda Juventus waxana uu doonayaa in uu ka hoos ciyaaro xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE