Liverpool Oo Iska Iibinaysa 6 Xiddig Si Ay U Hesho Lacag Ay Suuqa Ku Gasho Xagaaga

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay iibiso 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah si ay Klopp u siiso lacag uu ku xoojiyo kooxda suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa ku dhibaatootay qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan iyaga oo dhaawac ku waayay xiddigo badan oo muhiim ah uguna badan yihiin xiddigaha daafaca uga ciyaara kooxda.

Xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhawyahay kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa qorsheheeda suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Liverpool isku diyaarinayso in ay iska iibiso 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah si ay ugu gasho suuqa si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigaha Marko Grujic, Harry Wilson, Sheyi Ojo, Xherdan Shaqiri, Divock Origi & Ben Woodburn ayaa dhamaantood ah xiddigaha ay Liverpool doonayso in ay iska iibiso suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE