Man City Oo Qorshaynaysa In Ay 200 Oo Milyan Kula Soo Wareegto Kaliya Laba Xiddig

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay la soo saxiixato xiddiga Borussua Dortmund ee Erling Braut Haaland & xiddia kooxda Aston Villa ee Jack Grealish suuqa xagaaga taas oo lacagtoodu ku kici doonto lacag dhan 200 oo milyan.

Guardiola ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku xoojiyo xiddigu cusub waxana uu laabdaas xiddig u calaamadsaday bartilmaameedka 1-aad ee suuqa xagaaga.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaysa in ay xiddigaha Erling Braut Haaland & Jack Grealish ugu horeeyaan Liiska xiddigaha Man City doonayso xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda.

City aya rajynaysa in ay hesho weeraryahan cusub kadib markii la xaqiijiyay in uu xiddiga Sergio Aguero isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu heshiiskiisu dhoco.

Haaland oo 20 jir ah ayaana la rumaysanyahay in uu bartilmaameed u yahay kooxda si ay ugu buuxiso booska uu banayn doono Sergio Aguero dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale xiddiga Jack Grealish oo 25 jir ah ayay Man City doonaysaa in ay ku xoojiso khadka dhexe ee kooxda xilli ciyaareedka dambe iyada oo uu pep Guardiola la dhacsan yahay qaab ciyaareedka xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE