Sergio Aguero Oo Doortay Kooxdiisa Cusub Kadib Dalabyo Uu Ka Helay Man United, Chelea & PSG?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay ku biirista kooxda Barcelona xagaaga marka uu dhoco heshiiskiisa Man City halka uu sidoo kale dalabyo ka helay kooxaha Chelsea, Man united, Inter Milan iyo PSG.

City ayaa xaqiijisay in uu Aguero isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa waxana uu qaab xor ah ugu biiri karaa kooxda uu doonayo.

Kadib markii uu ka mid noqday xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda Premier League Aguero ayaa haysta dalabyo aad u badan ka furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Foot Mercato ayaa sheeaysa in uu xiddiga reer haatanba dalabyo ka helay kooxaha Chelsea, Man united, Inter Milan iyo PSG kuwaas oo doonaya saxiixiisa si ay u helaan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Barcelona

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegay in uu Sergio Aguero doortay ku biirista kooxda Barceloan waliba tahay kooxda kaliya ee uu doonayo in uu ku biiro marka uu ka tago kooxda Man City.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in ay doonayaan saxiixa Aguero si ay Lionel Messi ugu qanciyaan in uu sii joogo kooxda laakiin waxa la fahamsanyahay in uuna tababaraha kooxda ee Ronald Koeman doonayn saxiixa Aguero.


Source: laacibfm.com

SHARE