Thiago Silva Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa Dhaawac Kadib Markii Uu Ku Soo Laabtay Tababarka.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Thiago Silva Ayaa ka warbixiyay xaaladiisa kadib markii uu tababarka ku soo laabtay kooxda Cjelsea ka hor soo laabashada ciyaarahaa kooxaha.

Silva ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Chelsea guusha ka gaadhay kooxda Tottenham 4 bishii February isaga oo dhaawac bawdada ah uga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu ciyaartay.

Chelsea ayaan ku dhibaatoon maqnaanshaha daafaca iyaga oo kaliya laga dhaliyay 2 gool 14 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan tan ilaa bishii January.

Si kasta ha ahaatee Silva ayaa kooxdiisa u soo laabtay wakhti fiican marka loo eego in ay chelsea ciyaari doonto kulamo badan oo muhiim ah kadib fasaxa xulalka.

Thiago Silva ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray”Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku soo laabtay samaynta waxa aan jecelahay”isaga oo sii raaciyay sawir uu ka qayb qaadanayo tababarka kooxdiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE