WARBIXIN: Kulamada Premier League Ee Isha Lagu Hayn Doono Kadib Fasaxa Xulalka

WARBIXIN: Kulamada Premier League Ee Isha Lagu Hayn Doono Kadib Fasaxa Xulalka


Iyada oo uu soo dhamaanayo fasaxii xulalka waxa indhaha loo jeedin doonaa dhamaadka horyaalada waaweyn ee qaarada yurub kuwaas oo ku jira bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Tartanka loogu jiro 4-ta boos ee ugu sareeya premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay kooxo badan ku tartami doonaan boosaska loogu soo boxo tartanka champions League.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5 kulan oo ay isaga hor iman doonaan kooxaha ku tartamaya 4-ta boos ee ugu sareeya ee ay sida gaarka ah loo daawan doono.


April 11: West Ham United vs Leicester City

West Ham ayaa doonaysa in ay guulo gaadho hadii ay doonayso in ay sii fiicnayso xilli ciyaareedkooda cajiibka ah.

Iyaga oo 7 dhibcood ka dambeeya kooxda Leicester City ee ay la ciyaari doonaan waxa ay West Ham ogtahay in 3-da dhibcood ee kulankaas muhiim u yahay.


2.April 16: Everton vs Tottenham Hotspur:

Koxda 8-aad ku jirta ee Everton iyo kooxda Tottenham oo ku jirta 6-aad ayaa kala dambeeya 2 dhibcood iyada oo ayna labada kooxood soo bandhigin qaab ciyaareed fiican kulamadii ugu dambeeyay.

Everton ayaa 5 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta 4-aad waxana ay gacanta ku haystaan hal kulan halka ay Tottenham 3 dhibcood ka dambayso booska loogu soo boxo champions league.


April 24: West Ham United vs Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa isha ku haysa in ay xaqiiqsato booskeeda champions league waxana ay ku jiraan qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa u safri doonta London Staduim ka hor kulanka champions League Semi-final-ka hadii ay dhaafto kooxda Fc Porto wareega 8 dhamaadka tartanka.


May 1: Manchester United vs Liverpool:

Liverpool ayaa ah kooxda ugu rabitaanka badan guulo kulamadan marka loo bar-bar dhigo Man United kuwaas oo haatanba u muuqda kuwo xaqiiqsday booskooda champions league xilli ciyaareedka dambe.

Liverpool ayaa marti u noqon doonta koxda Man United iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan dagaalkooda u soo bixista champions league xilli ciyaareedka dambe.


May 23: Leicester City vs Tottenham Hotspur

Kooxda Leicester City ayaa wajahaysa kulamo adag dhamaadka xilli ciyaareedka iyaag oo la ciyaari doona kooxaha Tottenham, Chelsea iyo Man United waxana ay rajaynayaan in ay booskooda champions League xaqiisadaan ka hor inta ayna gaadhin kulamadaas adag.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE