Arsenal Oo Dib U Soo Cusboonaysiisay Xiisaha Xiddig Ay Mikel Arteta Kaga Dhagantahay.

Kooxda Arsenal ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Chrisopher Nkunku sid ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa xiiso u qabtay saxiixa xiddiga reer France tan ilaa markii uu xiddigu joogay kooxda PSG waxana ay haatan dib u soo cusboonaysiinayaan xiisaha xiddiga 23 jirka ah sida laga soo xigtay Sky Germany.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Chrisopher Nkunku ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale tartamada oo dhan.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay kooxda Arsenal diyaarinayso qorshe ay isugu diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Chrisopher Nkunku marka uu dhamaadoa xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa aaminsan in uu xiddiga reer France wax weyn ku soo kordhin doono kooxdiisa waliba ka caawin karo in ay koobab u tartanto xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE