Chelsea Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka La Xidhiidhinaya Sergio Aguero

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa ku dhawaaqay todobaadkan in uu isaga tagi doono Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxdiisa Man City.

Xiddiga reer Argentine ayaa rikoodh fiican ku leh premier League waxana uu ka dhaliyay goolal badan tan ilaa markii uu Man City ku soo biiray xagaagii 2011 kooxdana kula guulaystay koobab badan.

Waxa soo baxay warar sheegaya in ay chelsea doonayso saxiixa xiddiga waliba dalab Rasmi ah miiska u saaray xiddiga 32 jirka ah si ay ugu xoojiso weerarka kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin saxafiga Fabrizio Romano Ayaa sheegaya in ayna Blues wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga Sergio Aguero marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man City lakiin xiddigo kale oo weerarka ka ciyaara raadin doonta.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE