DAAWO: Goolkii Lama Filaanka Ahaa Ee Uu Timo Werner Ka Khasaariyay Xulkiisa Germany, Xitaa Goolhaye Ma Hor Joogin.

 

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii xumaa kadib markii uu gool si lama filaan ah uga khasaariyay xulka qarankiisa kulankii North Macedonia.

Xulka qaranka Germanay ayaa ciyaarta bar-baro 1/1 ah ku jiray waxana ay doonayeen in ay guul ka gaadhaan kulanka si ay u sii wadaan is reeb-reebka koobka adduunka kulankoodii 3-aad.

Xiddiga Timo Werner ayaa fursad u helay in uu xulkiisa u dhiibo goolka hogaanka daqiiqadii 79-aad kadib markii uu goolka hortiisa ku helay fursad cajiib ah laakiin Werner ayaa kubada garab mariyay goolka.

Fursadaas uu khasaariyay ayaa ku soo laabatay xulkiisa kadib markii xulka Macedonia dhaliyay gool daqiiqado yar kadib sidaasna dusha uga saaray xulka Germany guuldaro lama filaan ah.

Khasaarinta Werner ee fursadan ayaan ahayn midii ugu horaysay marka loo eego in uu xiddiga reer Germany sii wado in uu fursado badan khasaariyay fursado badan oo kooxdiisa chelsea.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE