Faah-Faahinta Wadahadaladii Dhexmaray Wakiilada Erling Haaland & Barcelona Oo La Ogaaday.

Wargayska SPORT ayaa kashifay faah-Faahinta wadahadaladii dhexmaray maamulka kooxda Barcelona iyo waliba wakiilada xiddiga Erling Haaland kadib markii ay wakiilada xiddigu yimaadeen Barcelona maanta oo khamiis ah.

Wakiilka xiddiga da’yarka ah ee Mino Raiola iyo waliba Aabaha xiddiga Alf-Inge Haaland ayaa saaka yimid magaalada Barcelona si ay wadahadalo ula qaataan maamulka kooxda Barcelona.

Mino Raiola iyo Aabaha xiddiga Alf-Inge Haaland ayaa la kulmay Madaxweynaha Cusub ee kooxda Barcelona ee Joan Laporte kaas oo dhawaan noqday madaxweynaha cusub ee kooxda Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay wakiilada xiddigaha iyo waliba maamulka kooxda Barcelona ka wadahadaleen sidii xiddiga Haaland ugu biiri lahaa kooxda Barcelona suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mino Raiola iyo Aabaha xiddiga Alf-Inge Haaland ayaa Joan Laporte u sheegay in uu xiddiga da’yarka ah diyaar u yahay in uu ku biiro Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Dhanka kale Laporte ayaa Wakiilada xiddiga u sheegay in ay kooxdu ku jirto xaalad dhaqaale oo adag laakiin uu diyaar u yahay in uu xiddiga keeno Camp Nou marka la gaadho suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE