Halka Uu Sergio Aguero Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Xilli Ay Gunners Wadahadalo La Qaadatay Wakiilka Xiddiga.

Arsenal ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee xiiso u muujisa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Agüero kaas oo qaab xor ah uga tagi doona kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in ay Maamulka Arsenal wadahadalo la qaateen wakiilka xiddiga Sergio Agüero si ay ugu qanciyaan in uu u soo dhaqaaqo garoonka Emirates.

Talaabada Arsenal ayaa imanaysa maalmo yar ka dib markii ay Man City xaqiijisay in uu xiddigu qaab xor ah uga tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhamaado heshiiskiisu.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Artata ayaa kala soo shaqeeyay xiddiga Sergio Aguero intii caawiyaha u ahaa Tababare Pep Guardiola waxana ay leeyihiin xidhiidh fiican.

Hadaba wargayska Football.London ayaa soo bandhigay halka uu Sergio Aguero ka gali karo shaxda Arsenal hadii uu ku biiro kooxda xagaaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale shaxda waxa ku jirta xiddiga Achraf Hakimi oo ay Arsenal u doonayso badalka Hector Bellerin iyo waliba xiddiga amaahda uga maqan ee William Saliba

How Arsenal could line up on the first day of the 2021/22 season after  summer transfers - football.london

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE