Kadib Barcelona…Mino Raiola Iyo Aabaha Erling Haaland Oo La Kulmay Koox Kale Oo La Xidhiidhinayo Xiddiga.

Idaacada Cope ayaa shaaca ka qaaday in Wakiilka xiddiga Erling Haaland ee Mino Raiola iyo waliba Aabaha dhalay xiddiga ay la kulmeen madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez si ay ugala hadlaan saxiixa xiddiga.

Raiola ayaa saaka la kulmay madaxweynaha kooxda Barcelona ee Jaon Laporte si uu ugu soo bandhigo xiddiga iyaga oo ka wadahadalay sidii ay u heli lahaayeen xiddiga reer Norway suuqa xagaaga.

Laakiin Idaacada Cope ayaa sheegtay in uu Raiola la kulmay madaxweynaha kooxda Real madrid ee Florentino Pérez halkaas oo ay kaga wadahadaleen suurtagalnimada uu xiddigu ugu biiri lahaa Real Madrid.

Xiddiga Erling Haaland ayaa bartilmaameed u ah kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara.

Qaab ciyaareedka Haaland ayaan ahayn mid caadi ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 33 gool 31 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE