Kulamada Uu Sergio Ramos Ka Maqnaan Doono Real Madrid Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Oo La Ogaaday

Sergio Ramos ayaa xaalka ku xumeeyay kooxda Real Madrid kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay daafaca reer Spain taas oo la macno ah in uu kooxdiisa ka maqnaan doono kulamo muhiim ah.

Daafaca Sergio Ramos ayaa ka dhaawacmay muruqa lugta Bidix taas oo ay xaqiijisay kooxda Real Madrid iyada oo uu xiddigu garooma ka maqnaan doono muddo bil ah ama 4 todobaad ah.

Kadib dhaawacaas xiddiga reer Spain ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona 4 kulan oo tartamada oo dhan ah isaga oo waliba ka maqnaan doona kulamo muhiim u ah kooxda Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa seegi doona kulamada Eibar, Liverpool (2 kulan) iyo Barcelona taas oo la macno ah in uu Ramos ka maqnaan doono 2 kulan oo champions League ah iyo 2 kulan oo horyaalka La Liga Ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE