Man United Oo Donny van de Beek U Adeegsan Doonta Saxiixa Xiddig Juventus U Ciyaara.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso heshiis isku badalasho ah oo ay Juventus kaga doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa lau soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga Rabiot kaas oo ay xiiso u qabeen saxiixiisa ilaa xagaagii 2019 markaas oo uu xiddigu qaab xor ah ugu biira Juventus.

Inkasta oo uu xiddiga 25 jirka ah si joogto ah ugu ciyaaro Juventus hadana kooxda ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Man United wadahadalo la furtay xiddiga Rabiot waliba diyaar u yihiin in ay Juventus miiska u saarto xiddiga Donny Van de Beek.

Xiddiga 23 jirka ah ee Van de Beek ayaa 40 milyan ugu soo biiray Man United xagaagii waxana uu saftay 16 kulan oo badal u badnaa xilli ciyaareedkan.

Juventus ayaa dhankeeda xiiso u qabta saxiixa xiddiga Van de Beek waxaan ay ka fiirsanaysaa in ay hesho saxiixiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE