Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Wararka Arsenal La Xidhiidhinaya Mikel Arteta, Maxaa Cusub.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay wararka kooxda Arsenal la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero iyo u dhaqaaqista Gunners ee saxiixiisa.

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in uu Sergio Aguero ka tagi doono kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo uu xiddigu xor noqn doono.

Wargaysyada Mundo Deportivo iyo Football.London ayaa sheegay in ay Arsenal xidhiidh la samaysay wakiilka xiddiga si ay u helaan saxiixiisa marka uu dhoco heshiiskiisa Man City.

Laakiin Tabbabare Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in ayna Arsenal u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga Sergio Aguero suuqa xagaaga marka uu dhoco heshiiskiisa Man City.

Tababare Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aguero kuma soo biiri doono Arsenal, waanan arki doona waxa dhaca mustaqbalka”.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE