Sidee Ayuu Erling Haaland Liverpool Uga Caawin Karaa In Ay Sii Haysato Xiddiga Mohamed Salah?

“Ma jirto cid garanaysa waxa dhici doona mustaqbal, sidaas darteed waa laga yaabaa maalin uun, aniga iguma xidhna laakiin waan arki doonaa waxa dhaca laakiin ma doonayo in aan ka hadlo arintaas”ayay ahayd jawaabtii Mohamed Salah markii wax laga waydiiyay u dhaqaaqistiisa horyaalka La Liga.

Hadalka Mohamed Salah ayaa imanaya xilli si weyn loola xidhiidhinayo Kooxaha La Liga ee Barcelona ama Real Madrid ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa sii haysan karta Mohamed Salah xagaaga iyaga oo caawin ka helaya xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Xiddiga Haaland ayaa lala xidhiidhinayaa 5 kooxood oo waaweyn kuwaas oo kala ah Manchester United, Man City, Chelsea, Real Madrid & Barcelona kuwaas oo doonaay saxiixa xiddiga reer Norway suuqa xagaaga.

Sidaas darteed Liverpool ayaa rajaynaysa in saxiixa xiddiga 20 jirka ah ku guulaysato kooxda Real Madrid maadama ay kooxdiisa ka caawinayso in ay sii haysato xiddiga Mohamed Salah.

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda kaliya ee awooda u leh in ay Liverpool kala wareegto xiddiga Mohamed Salah laakiin hadii ay Real Madrid la ciyaarto xiddiga Haaland Los Blancos ayaa iska iloobi doonta saxiixa Mohamed Salah Sanadaha soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE