Wararkii Ugu Dambeeyay Baacsiga Ay Liverpool Ugu Jirto Daafaca Ibrahima Konate

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ka shaqaynayso heshiiska shaqsiga ah ka hor inta ayna bixin lacagta lagu bur-burinayo heshiiska daafaca Ibrahima Konate ee kooxda RB Leipzig.

Waxa sii xoogaysanaya wararka kooxda Liverpool la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga daafaca kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate si ay uga dhigaan saxiixooda ugu horeeya ee suuqa xagaaga.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool ku dhawdahay saxiixa xiddiga daafaca RB Leipzig ee Ibrahima Konate kaas oo ay haatan kula jirto wadahadalo ay kagala heshiinayso arimaha shaqsia ah.

Fabrizio Romano oo arintaas ka hadlaya yidhi”Liverpool Iyo Ibrahima Konate? waxa aan odhan karaa heshiisku wali ma dhamaystirna”.

“Si ay heshiiska u dhamaystirto Liverpool waxa ay u baahantahay in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga, waxa aan aragnay heshiiskii uu Upamecano ugu biiray Bayern Munich waxana heshiiska lagu dhamaystiri karaa kaliya 24 saac gudohood arintaasna dhibaato ma ahan kaliya waxa ay RB Leipzig miiska u saaraysaa lacagta lagu bur-burin karo heshiiska daafaca”.

“Haatan liverpool waxa ay si toos ah ula xidhiidhaysaa xiddiga iyaga oo doonaya in ay ka saxiixdaan heshiis 5 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE