Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Kulamadii Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka Qaarada Yurub

Waxa Si Rasmi ah loo soo afjaray qaybta hore ee ama 3-da kulan ee ugu horeeya ee kulamada is reeb-reebka koobka adduunka qaarada yurub iyada oo ay la ciyaaray kulamo 3 ah 3-dii todobaad ee la soo dhaafay.

Xulal badan ayaa gaadhay guulo halka ay xulal kale la kulmeen guuldarooyin lama filaan ah ah kuwaas oo aan la filayn in ay la kulmaan.

Waxa jira xiddigo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah 3-dii kulan ee is reeb-reebka koobka adduunka kuwaas oo dhaliyay goolal badan xulalkoodana ka caawiyay guulo muhiim ah.

Xiddiga weerarka uga ciyaara xulka Serbia ee Aleksandar Mitrovic ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan ilaa haatan 3-dii kulan ee la ciyaaray is reeb-reebka koobka adduunka isaa oo dhaliyay 5 gool.

Waxa ku xiga xiddiga reer Turkey ee Burak Yilmaz kaas oo dhaliyay 4 gool 3-dii kulan ee uu ciyaaray kulamada is reeb-reebka koobka adduunka xulkiisa Turkey.

Xiddigo badan ayaa isku goolal dhaliliyay oo leh min 3 gool ilaa haatan waxana ka mid ah xiddigaha Diogo Jota, Robert Lewandowski iyo xiddigo kale oo badan.

Hadaba Halkan Hoose Kaa Bogo xiddigaah goolasha ugu badan ka dhaliyay kulamada is reeb-reebka koobka adduunka:

  1. Aleksandar Mitrovic (Serbia) 5 Gool
  2. Burak Yilmaz (Turkey) 4
  3. Alexksandar Trajkovski (North Macedonia) 3
  4. Artem Dzyuba (Russia) 3
  5. Diogo Jota (Portugal) 3
  6. Henri Anier (Estonia) 3
  7. John McGinn (Scotland 3
  8. Luuk de Jong (Netherland) 3
  9. Robert Lewandowski (Poland) 3


Source: laacibfm.com

SHARE