YAAB: Garsoore Lagu Xukumay 15 Bilood Oo Xabsi Ah & Rikoodhe Uu Dhigay Oo Sabab U Ah.

Garsooraha reer Serbia ee Srdjan Obradovic ayaa lagu xukumay 15 bilood oo Xabsi ah kadib markii lagu helay Dambi ah in uu Rikoodhe khalad a u dhigay koox kulan ka tirsanaa horyaalka heerka sare ee dalka Serbia.

Garsoore Srdjan Obradovic ayaa rikoodhe khaldan dhigay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay labada kooxood ee Spartak Subotica & Radnicki Nis kaas oo dhacay bishii May ee sanadkii 2018.

Kooxda Spartak ayaa ku badisay kulanka 2/0 kulan loo tartamayay kaalinta 3-aad iyo u soo bixista tartanka Europa League kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo ay labada gool-ba rikoodhe ahaayeen.

Daafac u ciyaara kooxda Radnicki ayay kubadu ku dhacday lugtiisa isaga oo aan wax xidhiidh ah la samayn xiddigaha kooxda kale laakiin Garsoore Obradovic ayaa siiriga afuufay isaga oo ku tilmaamay rikoodhe iyo in ay gacanta kaga dhacday daafaca.

Sidoo kale garsoore Obradovic ayaa laag ganaaxa muddo 10 sano ah in uu dhex-dhexaadiyo wax kulan ah oo kubada cagta ah kadib markii dambiga lagu helay.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.


Source: laacibfm.com

SHARE