DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premeir League Bishii March Oo La Soo Saaray

Xiddiga kooxda Leicester City ee Kelechi Iheanacho ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka premier League bishii March ee la soo dhaafay.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 5 gool bishii March horyaalka premier League isaga oo noqday xiddigii 4-aad ee ka so jeeda Nigeria ee ku guulaysta abaalmarinta kadib xiddigaha  Jay Jay Okocha, Peter Odemwingie & Odion Ighalo.

Iheanacho Ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee ku guulaysta abaalmarinta tan ilaa markii uu Jamie Vardy ku guulaystay abaalmarinta bishii October ee sanadkii 2019.

Xiddiga Iheanacho ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Andreas Christensen, Harry Kane, Jesse Lingard, Riyad Mahrez, Illan Meslier, Luke Shaw & Leandro Trossard.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo


Source: laacibfm.com

SHARE