Hordhac: Arsenal Vs Liverpool: Gunners OO Isha Ku Haysa Rikoodh Ayna Liverpool Ku Dhigin Muddo 7 Sano Ah.

Kulanka ugu xiisaha badan ee todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Liverpool kulan ka tirsan todobaadkii 30-aad ee horyaalka premier league kulan ka dhici doona Emirates Staduim.

Kooxda Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guul muhiim ah kadib markii ay guul gaadheen kulankoodii ugu dambeeyay ee Wolves ka hor fasaxa xulalka.

Dhanka kale Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay West Ham bar-baro la galeen ka hor fasaxii xulalka.

Kulanka: Arsenal Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:00

Garoonka: Emirates Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Arsenal ayaa isha ku haysa in ay Liverpool laba kulan oo xidhiidh ah kaga gaadhaan garoonkooda Emirates markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2015.

Alexandre Lacazette ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay ee Arsenal ah ee gool ka dhaliya Liverpool 3 kulan oo xidhiidh ah tan ilaa Robert Pires.

Kooxda Liverpool ayaa badisay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ay booqatay London xilli ciyaareedkan waana rikoodhkooda ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay guushoodii ugu horeeyay ka gaadho Arsenal oo joogta garoonkeeda markii ugu horaysay tan ilaa August 2016.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo


Source: laacibfm.com

SHARE