Hordhac: Chelsea Vs West Brom: Blues Oo Dhigi Karta Rikoodh Aan horay Looga Dhigin Premier League.

Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta kooxda West Brom kulan ka tirsan todobadkii 30-aad ee horyaalka premeir League kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay sii wadaan dagaalka ay ugu jiraan ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale West Brom ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo dagaal ugu jira sidii ay uga sii mid ahaan lahaayeen horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka: Chelsea Vs West Brom

Tartanka: Premeir League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Stamford Bridge.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaan guuldaro la kulmin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League la ciyaartay kooxda West Brom 5 kulan way badiyeen 2 kale bar-baro ayay galeen.

Blues ayaa noqon karta kooxdii ugu horaysay ee shabaqa ilaashata horyaalka premier League 6-dii kulan ee ugu horeeyay ee tababarhaa cusub.

Kooxda West Brom ayaa laga dhaliyay kaliya 3 gool 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premeir League

Dhamaan 3-dii gool ee uu Callum Robinson ka dhaliyay horyaalka premier League ayaa yimid kulankii ay kooxdiisu bar-baraha 3/3 ah la gashay Chelsea.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo


Source: laacibfm.com

SHARE