Lionel Messi Oo 3 Shardi Ku Xidhay Barcelona Si Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixo Kooxda.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaan wali ogolaan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona laakiin waxa uu u furanyahay in uu sii joogo kooxda hadii uu madaxweynaha Cusub ee Barcelona ogolaado 3 shardi oo uu hor dhigay.

Messi oo 33 jir ah ayuu heshiiskiisa kooxdu dhici doonaa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu kooxda uga tagi karaa qaab xor ah bilo yar kadib.

Lionel Messi ayaa horay u qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Barcelona isaga oo xitaa xagaagii warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxdiisa si uu ugu qasbo in uu ka tago kooxda.

Laakiin Messi ayaa haatan ka fikiraya in uu iska sii joogo kooxda Barcelona laakiin waxa uu marka hore doonayaa in uu ogaado in ay kooxdu u socoto wadada saxda ah ka hor inta uuna saxiixin heshiis cusub taas oo ah shardiga ugu horeeya.

Shardiga 2-aad ayaa ah in uu Lionel Messi doonato in ay Barcelona ka dhex muuqato suuqa kala iibsiga xagaaga waliba kooxdu samayso dhawr saxiix oo waaweyn.

Shardiga ugu dambeeya ayaa ah in uu Lionel Messi doonayo in uu si toos ah ula xidhiidhi karo masuuliyiinta sare ee kooxda marka uu doonayo uguna horeeyo madaxweynaha kooxda ee Joan Laporte.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo


Source: laacibfm.com

SHARE