Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Xiddigaha Amaahda Kula Jooga Arsenal Ee Martin Odegaard & Dani Ceballos

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aamisay in ay iska iibiso xiddigaha amaahda kula jooga kooxda Arsenal ee Martin Odegaard iyo Dani Ceballos xagaagan, sida ay sheegayaan wararka.

Xiddiga khadka dhexe ee Ceballos ayaa haatan Arsenal kula jooga amaahdii 2-aad kadib markii uu amaah ugu soo biiray markii uu Unai Emery hogaaminayay kooxda Arsenal.

Odegaard ayaa dhanka kale Arsenal amaah ugu soo biiray suuqii January kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Zinedine Zidane.

Xiddiga reer Norway ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo kooxda Arsenal muhiim ka noqday una ciyaaray 12 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ay Gunners doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Real Madrid g’aamisay in ay iska iibiso labada xiddig ee Odegaard iyo Ceballos si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo


Source: laacibfm.com

SHARE