Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Ku Dhaawacmay Tababarka Seegina Doona Kulanka Liverpool.

Kooxda Arsenal ayaa dhirbaaxo la kulantay saacado ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Liverpool kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Daafaca dhexe ee David Luiz ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay tababarka Kooxdiisa ka hor kulanka Liverpool waxana uu seegi doonaa kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto Liverpool sabtida.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uu daafacu dareemay raaxo daro dhanka jilibka ah kana baxay tababarka kooxda isaga oo aan la dhamaysan xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Sidoo kale Arsenal ayaa waayi doonta adeega xiddiga khadka dhexee Granit Xhaka kaas oo xanuun ku seeay tababarkii jimcaha ee ka horeeyay kulanka Liverpool ee sabtida.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo


Source: laacibfm.com

SHARE