Arsenal vs Liverpool: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Ka Hor Kulankooda Caawa.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa caawa isaga hor iman doona kulan adag ee ka dhici doona Emirates kana tirsan todobaadkii 30-aad ee horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo mid walba doonaya in ay guul ka gaadho kulanka maadama ayna 3-da dhibcood u qaybsamin labada kooxood marka la eego waxa ay isha ku hayaan.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay u dagaalamaan fursadohooda u soo bixista champions league xilli ciyaareedka dambe iyo waliba in ay helaan dhibcaha ugu badan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ugu yaraan soo gaadhaan boosaska Europa League xilli ciyaareedka dambe hadii ay doonayaan in ay yurub ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe.

Labada kooxood ayaa ku hubasayn xiddigo heer sare ah waliba ka mid ah kuwa ugu fiican Premier League kuna jira qaab ciyaareed fiican kulamadii ugu dambeeyay iyo xilli ciyaareedkanba.

Wargayska Daily Mail ayaa soo xushay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda caawa ee horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay Arsenal ku leedahay kaliya 3 xiddig shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.

Arsenal vs Liverpool combined XI: Is there any room for Sadio Mane or Pierre -Emerick Aubemayang? | Daily Mail Online

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?


Source: laacibfm.com

SHARE