Dib U Eegid: 3-da Garoon Ee Uu Sergio Aguero Ku Fashilmay In Uu Gool Ka Dhaliyo Intii Uu Premier League Jooga.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Sergio Aguero ayaa u muuqda mid horyaalka premier League ka tagi doona isaga oo aan wax gool ah ka dhalin 3 garoon oo horyaalka premier League ah intii uu joogay tartanka.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa Man City ku soo biiray sanadkii 2011 waxana uu goolal ka dhaliyay garoomo badan intii uu joogay kooxda Man City laakiin waxa jira 3 garoon oo uu ku dhibaatooday.

Sergio Aguero ayaa ku ciyaaray garoomo badan oo horyaalka premeir League ah laakiin 3 garoon ayaa diiday in uu wax gool ah ka dhaliyo kuna dhibaatooday.

Garoomada King Power Stadium (Leicester City), Anfield (Liverpool) iyo Selhurst Park (Crystal palace) ayaa ah 3-da garoon ee uuna Sergio Aguero wax gool ah ka dhalin intii uu joogay premier League.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?


Source: laacibfm.com

SHARE