Hordhac: Real Madrid VS Eibar: Los Blancos Oo Isha Ku Haysa In Ay Ku Meel Gaadh Booska Ugala Wareegto Barcelona.

Real Madrid ayaa guul ay keento maanta waxay dib ugu laaban doontaa kaalinta labaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka waddanka Spain ee LaLiga iyagoo saddex dhibcood oo kaliya u jirsan doona Atletico Madrid oo hoggaanka haysa, isla markaana waxay hal dhibic dhaafi doontaa Barcelona oo labaad fadhida.

Los Blancos oo ku jirta kaalinta saddexaad ayaa fasaxii kulamada caalamiga ah gashay iyadoo 3-1 kusii garaacday Celta Vigo, halka Eibar oo ku jirta kaalinta 18aad ay barbarro 1-1 ah ciyaartii ugu dambaysay ku kala baxeen Athletic Bilbao.

Tababare Zinedine Zidane ayay kooxdiisu dhibaatooyin badan ku jirtay xilli ciyaareedkan socda ee 2020-21, waxaanay meel hore kaga hadheen Copa del Rey iyo Spanish Super Cup oo ay calfan waayeen, laakiin qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka ayay dib usoo noolaadeen oo ay horyaalka LaLiga tartankiisa ku biireen, halka Champions League ay wareegga siddeedda taagan yihiin.

Toddobaadkan iyo midka xiga ayaa u ah mid xaasaasiga ah oo xilli ciyaareedkoodu sida uu noqonayo si dhab ah loo go’aaminayo, waxaanay kala baxayaan Liverpool oo midkood u gudbi doono semi-finalka, halka LaLiga ay Barcelona ku waajahayaan, haddii laga badiyana ay rajadoodu xumaan karto.

Shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka, dhamaantood wax guul-darro ah may arag Real Madrid, waxaanay ugu qaybsameen saddex guulood iyo laba barbarro ah.

Dhinaca kale, Eibar ayaa xilli ciyaareedkani ku xun yahay, waxaanay hore ugu jireen kaalinta 19aad balse hal tallaabo ayay sare usoo qaadeen iyagoo yimid 18aad.

Shaxda Labada Kooxood Isaga Hor Iman Karaan:

Real Madrid: Courtois; Varane, Militao, Nacho; Vazquez, Modric, Casemiro, Isco, Mendy; Vinicius, Benzema

Eibar: Dmitrovic; Pozo, Oliveira, Arbilla, Rafa; Alvarez, Diop; Gil, Garcia, Rodrigues; Kike


Source: laacibfm.com

SHARE