Klopp Oo Shaki Giliyay Mustaqbalka Odegaard Ee Arsenal , Sidee Wax U Dhaceen?

Tababaraha kooxda Liveprool ee Klopp ayaa xoojiyay shakiga laga qabay sida uu noqon doono mustaqbalka Martin Odegaard ee Arsenal

Liverpool ayaa guul weyn oo sedex gool kala soo laabatay qalcadda Emirates waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 30-aad ee horyaalka Ingiriiska

Ka dib markii uu yeeray seeriga dhamadka ciyaarta waxaa la arkay macalin Klopp oo si hoose ula sheekeysanaya laacibkaas Martin Odegaard

Waxaa la arkayay Martin Odegaard oo dhoola cadeynaya waliba laba jeer garabka ka dharbaaxaya macalin Klopp inkastoo la hubin wax aay sida gaarka ah uga hadleen

Arintaan ayaa imaaneysa xilli laabdii maalin ee la so dhaafay la tilmaamayay in Liverpool ay doonayaan saxiixa Martin Odegaard marka uu dhameysto amaahda uu ugu joogo Arsenal

Martin Odegaardayay amaahdiisa ku siman tahay xagaaga dambe xilli wararka qaar sheegayaa in Arsenal ka fikirayaan in ay toos u iibsadaan.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?

 


Source: laacibfm.com

SHARE