Kylian Mbappe: Aniga Ayaa Ka Fiican Cristiano Ronaldo & Lionel Messi.

Xiddiga weerarka uga ciyaara koxda PSG ee Kylian Mbappe auaa qirtay in uu naftiisa u sheego in uu yahay xiddiga ugu fiican adduunka waliba ka fiicanyahay xiddigaha Cristaino Ronaldo Iyo Lionel Messi.

Xiddiga PSG ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

15-kii sano ee ugu dambeeyay muranka xiddiga ugu fician adduunka waxa uu u dhexeeyay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Labada xiddig dhexdooda waxa ay ku guulaysteen 12 abaalmarinta Ballon d’Or-ka ah waliba rikoodh jabiya kulan kasta oo ay u ciyaaraan kooxohooda.

Laakiin xilli uu soo dhamaanayo wakhtigoodu waxa jira rumaysnaan ah in uu Mbappe ka mid yahay xiddigaha maamuli doona adduunka sanadaha soo socda.

Xiddiga 22 jirka ah ayaana qirtay in uu naftiisa u sheego mar walba in uu yahay xiddiga ugu fiican adduunka marka uu garoonka ku jiro.

“Maskaxdayda waxa aan naftayda mar walba u sheegaa in aan ahay xiddiga ugu fiican adduunka”ayuu Mbappe u sheegay RMC Sport.

“Ma jirto cid aan adiga ahayn oo naftaada riixi kara sidaas darteed axa aan naftayda ku qanciyaa in aan ahay xiddiga ugu fiican adduunka”.

“Mar walba oo aan garoonka galo waxa aan naftayda u sheegaa in aan ahayd xiddiga ugu fiican adduunka, inkasta oo aan ku ciyaaray meel ay Messi iyo Ronaldo ku ciyaareen”.

“Iyaga ayaa ah xiddigaha iga fiican waxana ay leeyihiin wax badan oo aanan lahayn laakiin waxa aan naftayda u sheegaa in aan labadoodaba ka fiicanahay”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?


Source: laacibfm.com

SHARE