Lionel Messi Oo Georginio Wijnaldum Ka Hor Istaagi Kara Ku Biirista Barcelona, Qaab Noocee Ah.

Ku Biirista xiddiga Georginio Wijnaldum ee kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay khatar ku jirto sabab la xidhiidha dalabka Lionel Messi uu ka dalbaday maamulka Kooxda si uu heshiis cusub ugu saxiixo.

Xiddiga 6-da jeer ku guulaystay Ballon d’Or ayaa ku fashilmay in uu isaga tago Barcelona inkasta oo uu warqada bixitaanka gudbiyay laakiin waxa jirta rajo weyn oo uu xiddigu heshiis cusub ugu saxiixi karo kooxda.

Si kasta ha ahaatee Lionel Messi ayaa la sheegayaa in uu shardiyo ku xidhay Barcelona si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda iyada oo ka mid tahay in ay kooxdu muhiimada siiso horumarinta xiddigaha u soo kacay sida Pedri iyo Ilaix Moriba.

Maadama ay labadaas xiddig ee da’yarka ah u dagaalamayaan booska khadka dhexe ee kooxda Ronald Koeman wargayska Mirror ayaa sheegaya in fursadaha Wijnaldum ee ku biirista Barcelona ay aad u yartahay kadib shardiga Messi.

Sidaas darteed ku biiristii xiddiga Wijnaldum ee Barcelona ayaa haatan god madaw ku dhacday maadama ayna Barcelona u dhaqaaqi doonin hadii ay fuliyaan dalabka Lionel Messi.


Source: laacibfm.com

SHARE