Mino Raiola Oo Wadahadalo Ku Saabsan Paul Pogba La Qaatay Koox La Liga Ka Ciyaara Real Mise Barca?

Wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa lagu soo waramayaa in uu Real Madrid kala hadlay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe khamiistii sida ay sheegayaan wararku.

Mino Raiola ayaa la rumaysanyahay in uu Real Madrid kala hadlay arinta Paul Pogba intii uu socday wadahaladii uu wakiilku Real Madrid kagala hadlayay mustaqbalka xiddiga Erling Haaland.

Xiddiga Paul Pogba ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Man United waxana la filayaa in uu xiddigu isku dayo in uu isaga tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedakan.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay Real Madrid Mino Raiola kala hadashay xaalada xiddiga reer France una sheegay in ay wali xiiso u qabaan saxiixiisa.

Xiddiga 28 jirka a ayaa dhaliyay 5 gool 3 kalena caawiye ka noqday 30 kulan oo uu Man United u ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE