Pep Guardiola Oo Si Maldahan Go’aan Uga Gaadhay Wararka Man City La Xidhiidhinaya Saxiixa Erling Haaland.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pe Guardiola ayaa si maldahan meesha uga saaray in ay kooxdiisu u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Pep Guardiola ayaa la filayaa in ay suuqa u gasho weeraryahan cusub kadib markii ay kooxdu xaqiijisay in uu Sergio Aguero isaga tagi dooo kooxda Dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arintaas ayaa dabka ku shiday wararka Man City la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga Haaland kaas oo ah weeraryahanka tooska ah ee haatan ugu fiican qaarada yurub kuna jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin Guardiola ayaa sheegay in ayna suurtagal ahayn in ay kooxdiisu xagaaga la soo saxiixato weeraryahan lacag badan ku kacaya suuqa xagaaga taas oo meesha ka saaraysa suurtagalnimada ay City ugu dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Erling Haaland.

“Marka la eego xaalada dhaqaale ee adduunka ma filayo in aan lacag 100 milyan iyo wax ka badan kula soo saxiixano weeraryahan, ma awoodno arintaas suurtagalna ma ahan”ayuu sii raaciyay.

“Waan fahamsanahay xaalada kooxda sidaas darteed ma awoodno in aan badalka Sergio Aguero ula soo saxiixano weeraryahan weyn”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?


Source: laacibfm.com

SHARE