Talaabo Cusub Oo Neymar U Dhaweneysa In Uu Ku Biiro Barcelona , Maxaa Soo Kordhay?

Ilo wareedo ay qorayaan saxaafadda Brazil ayaa sheegaya in Neymar uu doonayo in uu dib ugu laabto kooxdiisii hore Barcelona.

Neymar ayaa Camp Nou ka huleelay xagaagii 2017-ka xilligaas oo uu 222 milyan oo euro ugu wareegay PSG .

Xilli madaxwenaha cusub ee Barcelona Laporte uu diiday in uu daaqadda ka saaro in mar kale uu la soo hishiiyo Neymar ayaa haatan waxaa soo baxaay xogo cusub

Wadahadaaldii u socday PSG iyo Neymar ee hishiis kordhinta ayaa la shaaciyay goor dhaw in ay joogsadeen xilli qanadardaaska laacibka ee kooxdaas uu dhacayo xagaaga 2022-ka

Neymar si cad uma sheegin in uu doonayo in uu dib ugu laabto Barca basle shaqsigii 2017-ka masuul ka ahaa in uu PSG aado ayaa dhawaan la kulmay madaxweynaha cusub ee Barcelona

PSG weli war lagama hayo oo ku aadan xogta ka cusub hishiis kordhinta Neymar kaais oo ay kaga dhagan tahay in mar kale uu ka garab ciyaaro Messi .


Source: laacibfm.com

SHARE