Thiago Silva Oo Ka Hadlay Kaadhkii Casaanka Ahaa Ee Loo Taagay Kulankii West Brom.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Thiago ayaa ka hadlay kaadhkii casaanka ahaa ee loo taagay kulankii West Brom isaga oo sheegay in uuna u qalmin in kaadhka cas loo taago.

Xiddiga reer Brazil ayaa kaadhka cas loo taagay daqiiqadii 29-aad ee qaybta hore ee ciyaarta kulankii ay kooxdiisu guuldarada 5/2 ah kala kulantay kooxda West Brom.

Thiago Silva ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray”Waa in aan wax ka barano maalmaha adag, maadama maalinta xigta noqon doonto bilow cusub”.

“Waxa u malaynayaa in aanan u qalmin in kaadhka cas la ii taago, maan eegin wixii dhacay laakiin garsooraha ayaa iska leh go’aanka mana badali karo waxa dhacay”.

“Waxa aan dusha saarayaan masuuliyada kaashhka cas waanan ka xumahay in ay saamaysay natiijada kooxda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?


Source: laacibfm.com

SHARE